Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata mid luminaysa xidiga daafaca ka ciyaara ee Raphael Varane sida maanta lagu daabacay Le 10 Sport..
Daafaca dhexe ee xulka dalka Faransiiska ayaa booska joogtada ah ka waayay macalinka reer Farance ee Zinedine Zidane wuxuu kooxda kasoo muuqan waayay 3-kulan ee ugu dambeysay ee ciyaaraha Champions League.
Kooxda Manchester United ayaa ugu dhow qaadashada daafaca Raphael Varane sida ay majalada sheegayso.
Dhanka kale macalinkii Hore ee kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti oo dhawaan qaban doono shaqada kooxda Beyer Munich ayaa lala xiriirinayaa xidiga Raphael Varane.

