Dowlada Kenya ayaa mar kale ku celisay in la xiro doono xerooyinka Qaxootiga ee ku yaala Kenya ee kala ah Kakuma iyo Dadaab
Xoghayaha , Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Karanja Kibicho oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowlada ay qaadan doono go’aan ku aadan in gabi-ahaanba la xiro xeryaha Kakuma iyo Dadaab oo ay ku jiraaan soomali badan oo ka carartay dagaaladii sokooye ee dalka ka dhacay.
“Dowlada Kenya waxa ay qaadan doontaa go’aan ku aadan in gabi-ahaanba la xiro xeryaha qaxootiga Kakuma iyo Dadaab kadib markii ay xeryahaas noqdeen meelaha laga soo abaabulo falalka amni daro ee ka dhaca Magaalooyinka dalka Kenya. Ayuu yiri Xoghayaha.
Karanja Kibicho wuxuu ugu baaqay dhamaan Hay’ada Caalamiga in ay ka qeyb qaataan doorka ku aadan in dib loo celiyo dadka qaxootiga ku ah xeryaha Kakuma iyo Dadaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.
Dhawaan ayay aheyd markii wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya CS Joseph Nkaissery uu sheegay in xeryaha qaxootiga Kenya ay yihiin goobo saldhihyo u ah Xarakada al-shabaab oo marar badan weeraro ka fulisay Gudaha Kenya.

