Gaadiidka Muraayadaha Madow oo Laga Mamnuucay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug+Dhageyso

0

Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Maamulka Galmudug ayaa  ugu baaqday dhamaan Gaadiidleyda Gobolka mudug in ay iska soo diiwaan galiyaan xarunta wasaarada oo laga furay magaalada Gaalkacyo.

Nuur Macallin Isuduwaha Wasaaradda Gaadiidka maamulka  Galmudug oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  oo maanta laga furay xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa sheegay in ay Magaalada  kusoo baateen gaadiidka ka qeyb qaata falalka amni daro sidaaad darteed ay wasaarada ay kala xakameen doonto.

Wuxuu ugu baaqay dhamaan Milkiilayaasha gaadiidka ka shaqeeya Gobolka Mudug In ay iska soo diiwaan galiyaan Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee maamulka Galmudug xarunta Magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale Nuur Macallin Isuduwaha Wasaaradda Gaadiidka maamulka  Galmudug ayaa sheegay in wixii ka dambeeya isniinta aan lagu arki karin deeganada Galmudug gaadiidka Muraayadaha Madow.

Taliyaha Taraafikada G.Mudug Maxamed Gees-diir ayaa sheegay in la kordhin doono ciidamada Galmudug ee ku sugan kontoroolada laga soo galo Magaalada Gaalkacyo e Gobolka Mudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here