Dowlada Uganda ayaa shaacisay maanta oo jimco ah in ay ciidamadeeda kala baxayso wadamada Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe,
Afhayeenka ciidamada Difaaca Uganda Colonel Paddy Ankunda ayaa warbaahinta Uganda u sheegay in guddi gaar ah loo sameeyay inay kasoo tala bixiyaan xaaladaha ciidamada Uganda ee jooga wadamada Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe,
Dowlada Uganda ayaa marar badan ku celcelisay In ay dib u eegis ku sameyn doonto ciidamada ka jooga labada wadan, balse maanta waa markii ugu horeysay ay dowlada shaaciso in ciidamadeeda kala baxayso Gudaha soomaliya iyo wadanka Jamhuuriyada afrikada dhexe.
Waxaa hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uga jira ciidan ka badan 6000, taasi oo ka dhigeysa dalka ciidanka ugu badan ka joogaan Soomaaliya.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowlada Uganda ay soo gaareen dacwadao kaga yimid dhanka saraakiisha ka jooga lawada wadan oo ku aaadan in aysan helin wax mushaaraad ah afartii bilood aynu soo dhaafnay.

