Qarax nuuca Bamb-ka gacanta laga tuuro loo adeegsaday ayaa ka dhacay barqanimadii maanta degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay .
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu tuuray suuq lagu iibiyo qaadka oo ku yaalla degmadaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Markii qaraxu dhacay kadib ayaa waxaa goobta durbaba isku gadaamay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo qabqabtay tiro dad ah oo ka ag dhawaa goobta uu falku ka dhacay kuwaasi oo looga shakiyey in ay ku lug lahayeen qaraxaasi.
Guddoomiyaha Buur-hakaba Axmed Booroow Maxamed oo la hadlay Radio Simba ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxa Maanta ka dhacay Degmada waxaana uu sheegay in qaraxa uusan ahayn mid saameyn sidaa u weyn aan geysan sida uu yiri.
Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ee degmadasi ay ku raadjoogaan kooxihii ka dambeeyey weerarka lagu qaady suuqa ay ku sugnaayeen ciidamada Maamulka degmadaasi markii lasoo qabtana caddaaladda la horkeenayo.
Dhinaca kale Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda qaraxa Bamb gacmeedka loo adeegsaday ee maanta ka dhacay degmada Buur-hakaba waxaana ay sheegeen shabaabku in ay ku dileen dhawr askari sida lagu yiri hadalka alshabaab ee qaraxa lagasoo saary.

