Kulan Lagu Taageerayay Shirka Maamul u Sameynta oo Lagu Qabtay Magaalada Jowhar +Sawirro

0

Magaalada Jowhar ee Goboolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta lagu qabtay kulan lagu taageerayay Habsami u socodka Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan Shabeelaha Dhexe.

Kulanka waxa ka qeyb galay Siyaasiyiin Hore Wasiiro uga soo noqday dowladihii KMG-ga  ee dalka soo maray, Odayaal Dhaqameed, aqoonyahano iyo qeybaha Bulshada oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan waxayna dhamaan ay sheegeen in ay taageersan yihiin shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Intaas kadib waxaa kulanka laga soo saaray Warmurtiyeed ay u dhanyiin ka qeyb Galayaasha.

Ku:  Dowladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka, Bulshadda Soomaaliyeed iyo Shacabka ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha-Dhexe

Ka: Ergada Xawaadle ee Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha-dhexe

Ujeedo Warsaxaafadeed Taageerada Shirka Maamul u sameynta.

1-      Shirka Maamul u sameynta waxa uu soo maray Marxaladda kala Duwan waxaana  Maalmaha soo socda uu u gudbaya wajiga sedexaad oo lagu xulayo Ergada ansixinaysa Dastuurka Dowlad Goboleedka.

2-      Waxaan jirin wax cabaqabad ah oo ka dhex taagan ama Heesta Beeshan iyo Beelaha Ka soo jeeda Gobolka Hiiraan  sidaas darteed waxaan ka digaynaa in shirka ay carqaladeeyaan oo tashwiish ku furaan Shaqsiyaad dano gaar ah leh sidookale na isku dayaya inay jahawareeriyaan Shacabka weynaha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan .

3-      Waxaan Gacma Furan ku soo dhaweynayna cidkasto oo wanaag ku soo kordhinayso Maamul u sameynta waxaana ka soo horjeedna cidkasto oo ujeedkeedu tahay inay Fashiliyaan Shirka Dhismaha Dowlad Goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

4-      Ugu dambeyn waxaa u mahad Celinaynaa Duubabka Dhaqanka iyo Wakiilada Beelaha sida ay ugu dadaalayaan u gudbida shirka ee wajiga sedexaad.

5-      Waxaan kale oo aan u Mahadcelinaynaa Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Sida ay u maaraynayso Shirka Maamul u sameynta.

vlcsnap-2016-05-05-15h10m22s206 vlcsnap-2016-05-05-15h10m27s11 vlcsnap-2016-05-05-15h27m01s194 vlcsnap-2016-05-05-15h35m09s229 vlcsnap-2016-05-05-15h53m01s198

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here