Ahlu-sunna.”Dowladdu waa in aysan Marin habaabin hannaanka doorashada dalka”.

0

Maamulka Ahlu-sunna ee gobolada dhexe ayaa ka hadlay arimaha la xariir oorashooyinka dalka ka dhacaya sannadkan 2016 dabayaaqadiisa.

Waxaana ay ka digeen masuuliyiinta Ahlu-sunna ariamaha la xariira qaabka loosoo xulayo xildhibaanada iyo hannaanka dowladdu ay u qrsheysay in markaasi loo wajaho doorashada.

Madaxweynaha Maamulka Ahlu-sunna Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan oo war saxaafadeed xafiiska kasoo saaray ayaa sheegay in xilligan dowladda Soomaaliya looga baaahanyahay in ay qaaddo tallaabooyin cad cad oo ay ku wajahayso arimaha doorashada dalka ka dhacaysa 2016 xilligaa oo ay dhacayso dowladda hadda jirta.

Madaxweyne Shaakir ayaa sheegay sidoo nkale in ka maamul ahaan ay ka digayaan in markaasi la marin habaabiyo oo si qaldan loo wajaho siduu yiri hannaanka doorashada ee dalka dowladdana ay arintaa siyaasad muuqata kala timaaddo.

Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay u jeedinayaan talo ahaan dowladda in ay qorshaheeda ka qaybgaliso dadka ehelka u ah si ay wax walba ugu dhacaan sidii loo baahnaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here