Baarlamaanka Soomaliya oo Ka Doodaya Hanaanka Doorashada ee Dalka

0

Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya ayaa maanta mar kale ka doodaya Hanaanka doorashada ee dalka kadib markii uu dhawaan horgeeyay Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke.

Xildhibaanadii shalay ka haray dooda ee waqtiga u saamixi waayay inay hadlaan ayaa maanta oo Arbaco ah hadli doono, kuwaasi oo ka hadli doono aragtidooda ku aadan Sida ay la tahay Qorshaha Xukuumadda Baarlamaanka ay hor keentay.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa isla maanta ka doodi doona xiliga uu Raiuslwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke uu horkeenayo xildhibaanada waqtiga ay dhacayso doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Kulankii Shalay xildhibaano ka tirsan Baarlamanka soomaliya ayaa guddoonka sare ee Baarlamanka ka codsaday in xukuumada dib loogu celiyo qorshayaasha hanaanka doorashada, iyagoo tilmaamay in qaladaad badan uu ka jiro qorshaha ay xukuumada soo gudbisay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here