Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya:- Dowlada Soomaliya Way La Socotaa Gabadha isku Gubtay Jazeerada Nauru

0

Dowlada Soomaliya ayaa ka hadashay gabar soomaliyeed oo dhawaan isku gubtay Jazeerada Nauru ee dalka Australia, kadib markii Dowladda dalkaasi ay diiday inay qaabisho dadka Qaxootiga ah.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Cumar Hadliye, oo la hadlay  Laanta afka soomalida ee BBC-da ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay ka warqabto arinta gabadha is gubtay isla markaana ay dowlada Australia, ay kala hadashay arintaas.

“Gabar 21 jir ah oo is gubta si ay u sheegto oo ay u tusto dareenka dadka Somalida ah iyo dad kale Qaxootiga ah ee Dhagaha laga duubtay, waxaan la soconayaa in Qaxootiga aduunka meel kasta sidaasi loo dhibaayo in Australia ay diiday in wadankooda ay soo gaaraan Qaxootiga cid waliba waa ay la socotaa, ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Cumar Hadliye

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sidoo kale sheegay in safaarada soomaliya ee dalkaas iyo wasaarada arrimaha dibada ay si wadajir ah ula hadli doonaan dowlada Australia,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here