Shirweynaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo Muqdisho ka Furmay

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho  ee caasimada sooamliya ka furmay shirweynaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed kaasi oo ay ka qaybgalayaan wariyaal ka kala yimaaday magaalooyinka dalka.

Shirka ayaa barqanimadii maanta waxa uu si rasmi ah ugu  furmay Hoteelka City Palace Hoteel  waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada soomaliya, xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Gudoomiye ku-xigeenka gudiga Badbaadada NUSOJ Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ka hadlay furitaanka shirkaan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin wayn oo suxufiyiintu ay doonayaan in aayaha ururkooda go’aan ay kaga gaaraan.

Ismaaciil Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in shirkaan uu socon doono mudo Sadax maalmood ah, iyadoo wariyaasha ka kala yimid gobolada dalkana mudadaasi ay ku dooran doonaan hogaanka ururka NUSOJ.

Qaar kamid ah wariyayaashii ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in muhiimad gaar ah shirkaan u leeyahay dhamaan suxufiyiinta soomaliyeed isla markaan suxufiyiinta loogu baahan yahay in ay go’aan ka gaaraan cidii hogaamin laheyd.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here