Saldhigyo ay Daacish ku Lahaayeen Soomaliya oo La Burburiyay

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa  la tilmamayaa in ay burburiyeen saldhig lagu tababarayay ciidamo ka tirsan Daacish ee dagaalada cusub ka bilaawday gudaha Soomaaliya.

Sarkaal  ka tirsan ciidamada Kumaandoosta Xoogga Dalka Soomaaliyeed  oo la hadlay wakaalada wararka soomaliyeed ee sonna ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen burburinta xarumo lagu tababarayay Daacish-ta cusub ee soomaliya, waxa uu sidoo kale saraalka  sheegay in ay ku raad-joogaaan saraakiil ka tirsan daacish-ta soomaliya.

Sargaalka la hadlay wakaalada wararka soomaliyeed ee sonna waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in ay gacanta ku hayaan askar ay soo qabqabteen iyagoo sidoo kale soo uruuriyay Meydadka saraakiil Ajaanib ah.,waa sida hadalka loo dhigay.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan uu dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here