Ciidamo ka socda dalka ingiriiska ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho waxayna horu dhac ay u yihiin Ciidan gaaraya 80 Askari oo ay Dowladda Ingiriisku ugu talagashay in ay ku taageerto howlgalka Qaramada Midoobey ee ka socda Somaliya.
Xog-hayaha difaaca Ingiriiska Michael Fallon , ayaa sheegay in daad gureynta Ciidanka la geeyay Somaliya ay u jeedadiisu tahay xallinta dhibaatada amni darrada ka jirta Somaliya,waxaana uu intaa ku daray in Dowladda Ingiriiska ay xil iska saareyso xasilinta Xasaradaha ka jira Caalamka.
“Ciidamo gaaraya 10-askari oo ka socda wadanka ingiriiska ayaa gaaray Soomaliya waxa ay horu dhac u yihiin 80 Askari oo ay Dowladda Ingiriisku ugu talagashay wadanka soomaliya si ay ugu qeyb qaataan nabad kusoo celinta soomaliya ayuu yiri Michael Fallon.
Raisulwasaaraha dalka ingiriiska David Cameroon ayaa dhawaan sheegay in dalka soomaliya uu usoo diri doono ciidamo ingiriiska ah si ay ugu qeyb qaataan xalisinta iyo nabad kusoo celinta soomaliya.

