Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku hanjabay in ay dib ula wareegi doonaan deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo shalay ay qabsadeen ciidamada xarakada al-shabaab.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe Daa’uud Xaaji Ciro, oo idaacada simba ee Magaalada Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in jihooyin kala duwan ay ciidamada dowlada soomaliya ka joogaan deegaanka Run-irgood isla markaana ay saacadaha soo socda gudaha u gali doonaan deegaanka.
Mudane Daa’uud Xaaji Ciro Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe waxa uu tilmaamay in qasaaro weyn la gaarsiiyay ciidamada Xarakada al-shabaab oo ajaanib badan dagaalka loogu dilay ayna soo qaadi waayeen weerar kale.

