Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo La Wareegay Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka soomaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom in ay la wareegeen deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud

Ciidamada huwanta ah ayaa deegaanka kula wareegay si nabad galyo ah kadib markii ay ka baxeen ciidamada al-shabaab oo mudooyinkii dambe ku sugnaaa deegaanka sida ay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka soomaliyeed u xaqiijiyeen warbaahinta.

Markii ay gudaha u galeen ciidamada deegaanka galcad ee gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in ay deegaanka ka bilaabeen baaritaano xooggan waxaa dhanka kale la sheegayaa in ciidamada ay gacanta ku dhigeen dad la xariirinaayo in ay al-shabaab xiriir la lahaayeen.

Gobolka Galgaduud qeybo kamid ah waxaa ku sugan ciidamada al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here