Gaari Laga Soo Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo lagu Qabtay Degmada Hodan

0

Wasaarada amniga ee dowlada soomaliya ayaa ka warbixisay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo saakay lagu qabtay Degmada Hodan ee gobolka Banaadir,

Afhayeenka wasaaradda amniga C/kaamin macalin shukri oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowlada soomaliya ay horey u hayeen xogta ku aadan gaariga saakay la qabtay.

Gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qabtay afafka hore ee maqaayadda Royal, ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana ciidamada sidoo kale ay qabteen labo nin oo gaariga la socotay. sida uu C/kaamin macalin shukri xaqiijiyay.

Mudooyinkii dambe ciidamada amaanka dowlada soomaliya ayaa gacanta ku dhigayay gawaarida laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here