Dhageyso:- Rag Hubeysan oo Xalay Weeraray Hoyga Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow

0

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay weerar ku qaadeen hoyga Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ku yaala Degmada Hodan, gaar ahaan Carwadii hore,

Dhowr bambaano oo kuwa gacanta ah ayay ku tureen kooxda hubeysneed hoyga Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow waxaa la xaqiijiyay dhawaca Afar askari oo ilaalo u ahayd Xildhibaaka la weeraray.

C/fataax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ee dowlada soomaliya ayaa idaacada simba u sheegay in afar ka mid ihi ilaalada Xildhibaanka ay ku dhaawacantay weerarkaasi. Ayna goobta ka baxsadeen ragii weerarka soo qaaday.

Laamaha amniga dalka ayaa ku guuleysan waayay soo qabashada ragii weerarka fuliyay oo la sheegay in ay ku baxseen mooto bajaaj.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here