Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobe soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeyey sida madaxda soomaaliya ay ugu diyaar garoobayaan doorashada soo socota ee soomaaliya.
Danjire Michael Keating ayaa warbixin kooban ka siiyey qaramada midoobe guud ahaan xaaladaha ka jira soomaaliya.
15-ka xubnood ee golaha qaramada midoobe uu ka kooban yahay ayaa si diiran u dhageestay warbixinta danjire keating ee uu uga hadlay arrimaha, aminga, hormarka iyo doorashada soomaaliya ee dhawaan dalka ka dhici doonto.
Keating ayaa boogaadiyey sida ay ciidamada dowlada soomaaliya iyo kuwa Midowga afrika ee Amisom, ay uga adkaanayaan dagaalka Al-shabaab ay kula jiraan.
“Soomaaliya, waxa ay hada taagan tahay meeshii ugu fiicneed ebed sidaasi waxaa shirka qaramada midoobe ee ka socda Magaalada newyork ka sheegay danjire keating wakiilka qaramada midoobe ee soomaaliya”.
Ugu dambeyntii Denjire Michael Keating wuxuu u mahad celiyey madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud oo uu ku tilmaamay in dalka gaar siiyey madaxweynaha hormar muuqda.

