dowladaha turkiga iyo azerbajan ayaa sheegay in muwaadiniin tooda looga dilay soomaaliya .
Wargeyska focus news ee ka soo baxa mareykanka ayaa qoray in xaafada taleex ee magaalada muqdisho lagu dilay lix ruux oo u shaqeenayey turkiga.
Wargeyska ayaa qoray in dadka dhintay ay iskugu jiraan 2 turki ah, 2 soomaali ah , 1 kenyan ah iyo 1 u dhashay dalka azerbajaan.
Wargeyska focus news ayaa intaasi raaciyey in weerarka uu ka dhacay agagaarka goob ay ku badan yihiin xafiisyada turkiga kuna taalo safaarada turkiga ee soomaaliya.
Wargeyska waxaa kaloo uu qoray in reseal wasaaraha soomaaliya cumar cabdi rashiid cali sharmaake uu cambaareeyey weerarkaasi.
Turkiga waxaa uu ka mid yahay deeq bixiyaasha ugu weyn ee dowlada soomaaliya caawiyo.
Dadka dhintay ayaa ahaa barayaal wax ka dhigayey iskuul ay turkiga ku leeyihiin magaalada muqdisho kaasi oo ku dhexyaalay hosbitaal uu turkigu ku leeyahay meel u dhaw safaaradiisa muqdisho ay ku leedahay.
Wargeyska ayaa kusoo gabagabeeyey warbixintiisa in aysan jirin cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi ee lagu qaaday gaari ay la socdeen shaqaale u shaqeenaayey turkiga oo ka dhacay muqdisho.

