Dowlada Wadanka ingiriiska ayaa mar kale maanta soosaartay in muwaadiniinteeda aysan u socdaali Karin dalka Kenya waxaana kaloo dowlada ingiriiska ay sheegtay in la yareeyo Tirada u socdaaleyso dalka Kenya ee u dhashay dalka ingiriiska, waxaana sidoo kale dowladu ay sheegtay in weeraro ay alshabaab ku qaadaan dadka u dhashay ay ka cabsi qabaan.
Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay in muwaadiniinta u dhashay dalkeeda ee u dalxiistaga dalka Kenya ay kabadan yihiin kuwa u dhashay mareykanka ee dalxiiska u taga wadanka Kenya.
Warbixin ay soosaartay Hay-ada dalxiiska aduunka ee golobal Toorisim ayaa waxaa ay ku sheegtay in marka la eego qaarada afrika dalalka loo dalxiis tago ay Kenya kasoo gashay dalalka ugu qatarsan waxaana ay noqotay dalka 2013-2014 ay ka dhaceen weeradada ugu badan ee dalxiisayaasha loo geesto.
5 sano ee ugu dambeeysay dowlada ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda ugu diktay Kenya in ay u safraan 8 jeer.
Horay ayaa alshabaab ay weeraro kusoo afduubteen muwaadiniin u dhashay dalka ingiriiska oo kusugnaa Gudaha dalka Kenya.

