Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed cali Gaas ayaa saacadaha soo socdo kusoo wajahan Gudaha Magaalada Muqdisho si ay kaga qeyb galaan wadatashiga doorashada 2016.
Shirka ka Furmaya Magaalada Muqdisho maalmaha soo socda ayaa waxaa ka qeyb Galaya Maamul Goboleedyada dalka ka Jira iyo dowlada dhexe ee soomaliya u jeedka ayaa lagu sheegay in loogu Hadli doono doorashada ka dhacaysa dalka sanadka 2016
Shirkii dhowaan ka dhacay Muqdisho ayaa qodobadisii ugu muhiimsanaa waxaa kamid ahaa inuu furan yahay wadatashiga ku saabsan sida laga yeelayo qaabka u dhacayso doorashada 2016.
Madaxweyanayaasha Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa sidoo kale kusoo wajahana Magaalada Muqdisho si ay kaga qeyb galaan shirka ka Furmaaya Magaalada Muqdisho

