Taliyaha Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa hadallo muran dhaliyey ka sheegay joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalkiisu uu ka daalay howlgalka Soomaaliya, isla markaana uu dhaliilay saameynta sii kordheysa ee Turkiga ku leeyahay dalka.
Jeneraalka ayaa hadalkiisa ku muujiyey in joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya uu ka mid yahay arrimaha uu walaaca ka qabo, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ciidamada Uganda ay qeyb ka ahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyaga oo hoos tegayey howlgaladii Midowga Afrika.
Kainerugaba ayaa sheegay in Turkigu aanu lahayn waxa uu ugu yeeray “dhiigga barakaysan ee Bachwezi”, isaga oo intaas ku daray in Uganda aysan dagaallo u gelin arrimo aan la xiriirin dhaxalka Bachwezi. Hadalkan ayaa loo fasirtay mid ka tarjumaya aragtidiisa ku aaddan doorka Turkiga ee Soomaaliya iyo isbeddelka saameynta quwadaha shisheeye.

