Midowga Afrika, Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka oo ka shiray qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya

0

Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ayaa Muqdisho ku soo gabagabeeyay kulan qorsheyn hawlgal ah oo looga hadlayay qorshaha isku-dhafan ee kala-guurka amniga Soomaaliya, xilli la isu diyaarinayo go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan cusboonaysiinta waajibaadka howlgalka AUSSOM.

Kulanka oo Axaddii lagu soo gabagabeeyay Muqdisho waxaa shir-guddoominayay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene.

 

Diene ayaa bogaadiyay wadahadalladii iyo qorshayaashii ay isla meel dhigeen dhinacyadii ka qeybgalay, kuwaas oo ay ku jireen Guddiga Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya, dalalka ciidamada iyo booliska ku biiriya howlgalka, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee taageera howlgalka.

 

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay la filayo inuu bisha Diseembar 2026 ka arrinsado cusboonaysiinta waajibaadka AUSSOM, kaas oo oggolaanshihiisa hadda uu ku egyahay 31-ka Diseembar 2026.

 

Shirkan ayaa sidoo kale daba socda kulamo is-xogwareysi iyo wadatashi ah oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka, oo uu ugu dambeeyay shir ay Midowga Yurub iyo Soomaaliya si wadajir ah u guddoominayeen, kaas oo 19-kii Nofeembar ka dhacay magaalada Brussels.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here