Hobalkii caanka ahaa ee Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday dalka Maraykanka

0

Alle ha u naxariistee, hobolkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Axmed Cali Cigaal, ayaa maanta ku geeriyooday dalka Maraykanka, halkaas oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku noolaa. Geerida fanaanka ayaa murugo ku abuurtay bahda fanka Soomaaliyeed, qoyskiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku riyaaqsana hal-abuurka iyo fankiisa.

Axmed Cali Cigaal waxa uu ka mid ahaa tiirarkii ugu waaweynaa ee fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca heesaaga, laxan-samaynta iyo tumista muusigga. Intii uu ku jiray mihnadda fanka waxa uu door muuqda ka qaatay kobcinta suugaanta Soomaaliyeed, isaga oo laxan u sameeyay boqolaal heesood oo ay qaadeen fanaaniintii ugu magaca weynayd, halka qaar kalena uu isagu ku luuqeeyay.

 

Marxuumku waxa uu dabayaaqadii sannadihii 1940-meeyadii ku dhashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo. Horraantii 1960-meeyadii ayuu u wareegay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu waxbarashadiisa ka bilaabay, isla markaana uu saldhig uga dhigtay socdaalkiisii fanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here