Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortagtay dadaallo ay waddamo kala duwan ku doonayeen inay ku aqoonsadaan Somaliland, iyadoo ku eedaysay Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta inay hormuud ka yihiin olole lagu raadinayo aqoonsi caalami ah oo Somaliland hesho.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, oo waraysi siiyay Universal TV, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaday dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku joojinaysay dalal ka fiirsanayay aqoonsiga Somaliland.
“Waa nasiib darro in Somaliland ay Israa’iil tagto oo ay gobolka kusoo kordhiso xasarado iyo khilaafyo badan. Dowladd ahaan waxaan ka shaqaynaynay inaan la aqoonsan Somaliland. Dalal badan ayaa arrinta ka fikirayay, balse dadaallada ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madaxda qaranka waxay horseedeen inaanay waddamo kale ku biirin,” ayuu yidhi Cali Balcad.

