Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu warbixin dhammaystiran ka jeediyo xaaladda amniga dalka inta lagu guda jiro shir madaxeed aan caadi ahayn oo ka furmaya magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaas oo diiradda lagu saarayo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo marxaladda xigta ee kala-guurka amniga.
Shirkan ayaa isu keenaya madaxda dowladaha ciidamada ku leh AUSSOM, wasiirrada gaashaandhigga, saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu shirka ka hor akhriyo warbixin ku saabsan horumarka laga sameeyay dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qorshaha dowladda ee ah inay si tartiib tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inay sharaxdo taageerada dhaqaale, farsamo iyo saadka ee ay weli uga baahan tahay beesha caalamka si loo dhammaystiro kala-guurka amniga.

