Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku khaarijiyay siddeed xubnood, kuwaas oo ka kala tirsanaa qeybaha miinooyinka iyo fulinta weerarrada hoobiyeyaasha ah.


