Midowga Afrika oo ka digay halis weyn oo soo wajahday Howlgalka AUSSOM

0

Midowga Afrika (AU) ayaa ka digay in howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajihi karo caqabado amni iyo saadka ah oo culus, kadib markii Mareykanku si rasmi ah u xaqiijiyay inuu joojinayo taageerada uu siiyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) laga bilaabo 31-ka Diseembar 2026.

Warsaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo ay yeesheen La-taliyeyaasha Militari ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in joojinta taageerada UNSOS ay halis gelin doonto awoodda howlgalka AUSSOM ee dhinacyada saadka, daad-gureynta dhaawacyada (MEDEVAC), shidaalka, biyaha, raashinka iyo gaadiidka cirka.

 

Warbixintu waxay muujisay in miisaaniyadda taageerada saadka ee UNSOS ay gaareyso $502 milyan, halka miisaaniyadda sannadlaha ah ee AUSSOM ay tahay $190 milyan, taasoo ka dhigaysa taageerada UNSOS laf-dhabarta howlgalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here