Xasan Sheekh oo beeniyay eedeymaha sheegaya in Muqdisho laga abaabulayo qalalaase ka dhan ah Puntland

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan jirin wax xiriir ama wada-shaqeyn ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, isaga oo eedeymaha sheegaya in dowladda dhexe ay ka abaabulayso qalalaase Puntland ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn.

Khudbad ka uu jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho,  ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in wasaaradaha dowladda federaalka iyo kuwa Puntland aysan wada shaqeyn, isla markaana xiriirka labada dhinac uu gebi ahaanba hakad ku jiro.

 

“Waxba kama jiraan eedeymaha sheegaya in Muqdisho laga abaabulayo fitno laga hurinayo Puntland,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here