Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan ka laaban doonin bixinta mushaarka, darajooyinka iyo xuquuqda ciidamada Soomaaliyeed ee laga qoray deegaannada Puntland, isagoo ku tilmaamay inay tahay waajib dowladeed oo aan laga tanaasuli karin.
Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayuu raysal wasaare Xamse dhaliilay waxa uu ku tilmaamay siyaasiyiin hor istaagaya isu socodka dadka iyo in ciidamada qaarkood laga hor istaago helitaanka xuquuqdooda.
“Waa waajib dowladda saaran in askarigaas la siiyo mushaarkiisa, darajadiisa iyo xuquuqdiisa. Arrintaas dembi kama dhigi karto cid kasta oo diidan,” ayuu yiri Xamse.

