Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si adag uga jawaabay dhaliilaha uga yimid qaar ka mid ah waddamada Islaamka iyo xisbiga mucaaradka KAAH ee la xidhiidha safaaradda ay Somaliland ka furatay magaalada Qudus iyo guud ahaan xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil ee wadamaadaasi kasoo horjeedaan.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in safaaradda Somaliland laga furay Galbeedka Qudus, oo uu ku tilmaamay dhul ay dalal badan oo caalamka ahi u aqoonsan yihiin inuu ka tirsan yahay Israa’iil. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ay ku salaysan tahay ilaalinta danaha Somaliland.
“Layma dooran inaan Falastiin u shaqeeyo, ee waxaa la ii doortay inaan danta Somaliland ka shaqeeyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro. Isaga oo sheegay in Somaliland ayna wax dhibaato ah u gaysan Falastiin isla markaana ay taageersanyihiin in ay aayahooda ka tashadaan.

