Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya ciidamada Jamhuuriyadda Turkiga, ayaa sheegay inay saaka duqeyn ka fuliyeen deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku bartilmaameedsadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ku dhowaad 35 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka in ka badan 20 kalena lagu dhaawacay.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Jamhuuriyadda Türkiye, ayaa subaxnimadii maanta duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka fuliyay deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo bartilmaameedsaday godad, kayd hub iyo goobo gabbaad u ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.

