Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday Hiiraan

0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Jalalaqsi, halkaas oo ay isku dhaceen dad walaalo ah oo isku deegaan ah, taasoo keentay khasaare iyo xiisad amni oo sii korortay.

 

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin ayaa sheegtay in dhacdadan ay tahay mid culus oo aan la iska indho tiri karin, ayna dhaawacayso nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka dadka deegaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here