Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si kulul u cambaareysay furitaanka waxa ay ku tilmaantay “Safaaradda Somaliland” ee magaalada Qudusta la haysto, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Bayaan ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in furitaanka xaruntan diblomaasiyadeed uu yahay isku day ay Israa’iil iyo maamulka Somaliland ku doonayaan inay sharciyeeyaan joogitaankooda dhul aysan lahayn wax xuquuq sharci ama siyaasadeed ah.
Falastiin waxay carrabka ku adkeysay in tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed ama siyaasadeed oo lagu beddelayo maqaamka sharci, juqraafi ama tirakoobka magaalada Qudus ay tahay mid aan waxba ka jirin isla markaana aan yeelan karin wax saameyn sharci ah.

