Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaas oo ahaa kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Ugu horreyn, Xildhibaanada labada Aqal ayaa sii amba qaaday ka doodista Cutubka Afaraad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, gaar ahaan wax ka beddel kooban oo la xiriira qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad.
Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay qodobadan, ugu dambeyntiina si rasmi ah u soo gabagabeeyay doodda Cutubka 4-aad.
Dhanka kale, mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay ka doodista qodobada Cutubka Shanaad ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah, taas oo qeyb ka ah geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka dalka.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in doodda Cutubka 5-aad ay sii socon doonto, islamarkaana lagu wadi doono kulamada xiga ee Baarlamaanka.

