Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa beeniyay in joogitaanka Turkigaee Soomaaliya iyo saamaynta sii kordhaysa uu ku leeyahay dalka uu yahay mid lagula dagaallamayo Israa’iil.
“Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa mid dhinacyo badan leh, mana aha oo kaliya arrin amni. Waxaa ku jira dhaqaale, istaraatiijiyad juqraafiyeed iyo iskaashi siyaasadeed,” ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta Aljazeera.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in heshiisyada difaac ee labada dal ay ujeeddadoodu tahay in Soomaaliya is-difaacdo, isla markaana looga hortago xoogag kasta oo halis ku ah jiritaanka iyo madax-bannaanida dalka.
Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in Turkigu horey u muujiyay inuu yahay lammaane lagu kalsoonaan karo, isaga oo sheegay inuu gacan ka geystay dib-u-dhiska hay’adaha ammaanka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay dhammaan dalalka dan wadaagga la leh, balse ay si cad u kala saarayso iskaashi sharci ah iyo faragelin wax u dhimaysa midnimada dalka.

