Markab xamuul ah oo siday hub iyo gaadiid ciidan oo shalay lagu qabtay xeebaha Puntland, ayaa la filayaa inuu kusoo xirto dekedda magaalada Boosaaso, sida ay muujinayaan xogaha hordhaca ah ee la helayo.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in markabkan uu sido hub noocyo kala duwan leh, gaadiidka gaashaaman iyo kuwo loogu talagalay gurmadka degdegga ah. Waxaa sidoo kale muuqata in markabku uu ka yimid dalka Turkiga, iyadoo calanka Turkiga laga akhrisan karo qeybta danbe ee markabka.
Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland ama dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan markabkan hubka siday. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo su’aalo laga weydiiyay arrintaan ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah bixiyo.
Wararka laga helayo ilo-wareedyo ku dhow maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ah ee PMPF ay gudaha u galeen markabkan, balse lama xaqiijin karo in hub laga dejiyay. Ciidamada ayaa haatan si dhow u ilaalinaya markabka.
