Puntland oo sheegtay cunaqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya in ahayd khatar weyn

0

Puntland ayaa khatar weyn ku tilmaamay qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay ahayd tallaabo halis weyn ku ah amniga dalka iyo dowlad-dhisidda.

Wasiir Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa hadalkaan sheegay, ka gadaal markii ay Puntland gacanta ku dhigtay markab hub siday, kaasoo si qarsoodi ah doonayay inuu uga gudbo xeebaha Puntland, isagoo aan wadan wax ilaalo ah sida ay sheegeen masuuliyiin Puntland ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa eedeyn culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay mid ku fashilantay hawlihii lagu aaminay, sida ilaalinta midnimada, hirgelinta nidaamka federaalka iyo sugidda amniga. Wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay haatan ku mashquulsan tahay kala qeybinta dowlad-goboleedyada iyo hurinta colaado gudaha ah.

“Dowladda Federaalka waxay ka dambeysay xasaradihii ka dhacay Raaskambooni iyo Dhahar, iyadoo mas’uuliyiin heer sare ah laga hayo abaabulka dagaalladaas,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here