Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya oo dib Ugu soo Laabtay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa Magaalada Muqdisho dib ugu soo  laabtay wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha dowlada soomaliya   Xasan sheikh Maxamuud oo dhawaan ka qeyb Galay shirkii 70-aad ee  Qaramada Midoobe oo ka dhacay Magaalada New York ee dalka Marekanka

Garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho aadab Cabdule Cusmaan aadan cadde waxaa kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya iyo saraaakiil ka tirsan ciidamada dowlada soomaliya  iyo madax kaloo sidoo kale ka Tirsan dowlada soomaliya

Xasan sheikh ayaa Marekanka kaga qeyb Galay shirkii 70-aad ee qaramada Midoobe sidoo kale waxa uu ka qeyb Galay shir loogu Hadlaayay arimaha soomaliya ay si wadajir ah u shir Gudoominayeen Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobe iyo Madaxweynaha soomaliya

Intuu Marekanka uu sidoo kale  ku sugnaa waxa uu kulamo la qaatay Raisulwasaarahaha Dalka Britain David Cemeroon isagoona kala Hadlay arimo ku aadan ciidamo ka socdo Ingiriiska oo la keeni doono dalka soomaliya mudooyinka soo socda

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here