Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka qabsoonto doorashada madaxweynaha cusub ee hoggaamin doona Jubbaland shanta sano ee soo socota.
Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxtinimada Jubbaland ayaa si weyn looga dhex dareemaya gudaha magaaladaas oo maanta amaankeeda si weyn loo adkeeyay.
Musharaxiinta u tartameysa xilkaan oo gaaraya ilaa afar musharax ayaa kala ah Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe, Faysal Maxamed Mataan, Abubakar Cabdi Xasan, Dr. Cabdi Xasan Xajiin.

