Fiqi: Cabdiraxmaan Cirro waxaan ka filaynaa inuu kaalin weyn ka qaato iskusoo dhowaanshaha Soomaalinimada

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, uu yahay shaqsi ay ku weyn tahay Soomaalinimada, taas oo rajo wanaagsan galineysa mustaqbalka wada-hadalada labada dhinac.

Fiqi ayaa ku boorriyay madaxda Somaliland inay kaalin muuqata ka qaataan isku soo dhowaanshaha ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo xalliyo dhibaatooyinkii keenay kala fogaanshaha labada dhinac.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland uu ahaa hoggaamiye uu aad uga soo horjeeday aragti ahaan, taasoo adkaysay wada shaqayntii hore.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here