Farmaajo oo Ka Hor Yimid Xeerka Guddiga doorashooyinka Qaranka

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay Tallaabadii shalay ay xubnaha Baarlamaanka ku ansixiyeen xeerka Guddiga doorashooyinka Federaalka mid sharci dara ah waxana uu shaaca ka qaaday in ay sii fogaynayso xal u helidda tabashooyinka ay qabaan Dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaranka, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.

 

“Isku-milanka labada hay’adood ee fulinta iyo sharci-dejinta waxa ay sii kala qeybisay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aqlabiyadda xildhibaannada heer Federaal ee matala Jubbaland iyo Puntland ay si cad uga soo horjeesteen meelmarinta sharciyadan iyo guddiyadan aan loo dhammayn, taas oo muujinaysa in xitaa Golihii Baarlamaanka la kala qaybiyey.”ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa eedeeyn kulul dusha uga tuuray Madaxweynaha Soomaaliya waxaana uu ku eedeeyay Nidaamka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay qaadeen jiho khilaafsan dastuurkii lagu doortay iyo shuruucdii loo dhaariyey, sidaas awgeed waxa ay qaadayaan ayuu yiri, mas’uuliyadda taariikhiga ah iyo cawaaqib ta ka dhalanaysa qorsheyaashooda gurracan ee kala qaybinaya shacabka Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here