Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheikh Yuusuf Al Cadaala ayaa ka jawaabay eedeyn Dowladda Federaalka uga timid Maamulka Puntland taa oo ahayd inay xirtay Page kii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.
Wasiir Al Cadaala ayaa ku tilmaamay eedeyntaasi mid aan raad lahayn, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay warqadii eedeeynta ee katimid Puntland inaysan ahayn mid mas’uuliyad xambaarsan.
“Annaga oo sharci mari karna, ma jirto wax nagu qasbaayo tuugeysi, waxaan kuu cadeenayaa in xitaa wasiiro ka tirsan Dowldda dhexe la xiray akoonadii ay ku lahaayeen Facebook” ayuu yiri Wasiir Al Cadaala oo wareysi siinayay mid kamid ah TV yada maxaliga ah ee ka howlgala Muqdisho.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caadala oo ka ayaa ku cel celiyay in dowladda aysan wax lug ah ku lahayn, isagoo caddeeyay in baaritaan dheeraad ah lagu sameyn doono.

