Somaliland ayaa sheegtay in uu xidhiidh ka dhexeeyo kooxaha Al Shabaab iyo Xuutiyiinta dalka Yemen, kuwaasi oo iska kaashanaya khalkhal galinta amaanka gobolka.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo waraysi siiyay Muuqbaahiyaha Al Carabiya, qaybta ku baxda Afka-Carabiga, ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabato xidhiidhka cusub ee dhexmaray kooxahan.
“Waxa jira xidhiidh adag oo ka dhexeeya kooxaha Xuutiyiinta iyo Al Shabaab taasina waxay khatar ku tahay nabada gobolka. Dowlada Soomaaliya waa in ay xakamaysa iskaashiga kooxahan”

