António Guterres “Dhimashada faraha badan ee Marinka Gaza waa kuwii ugu xumaa”,

0
Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Xoghayaha guud eee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhimashada tirada badan ee dadka reer Falastiin iyo burburka baaxada leh ee ka jira Marinka Gaza.

António Guterres ayaa dhimashada faraha badan ee Marinka Gaza ku tilmaamay kuwii ugu xumaa ee uu arko abid, wuxuuna xusay inuu aad uga xun yahay dhibaatada daran ee dhanka bani’aadantinimada ee ka jirta Marinka Gaza.

Guterres ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay horey u dalbatay, islamarkaana ay markale ku celineyso in deg deg ah loo joojiyo dhimashada iyo burburkii baaxada leh ee halkaas ka wado Isra’il.

“Heerka dhibaatada aan ku aragno Gaza waa mid aan horey loo arag, weligay ma arag  dhimasho iyo burbur heerkan oo kale ah, sida aan ku aragno Gaza, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here