Magaaladda Muqdisho waxaa ka socda kulamo loogu hadlaayo xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo taageero u muujiyay Dowladda Ethopia.
Ilaa 20-xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceyn dembi qiyaano qaran,waxayna eedeemo kala kulmeen xubno ka Tirsan Dowladda Soomaliya.
Waxaa Muqdisho ka socda kulamo xasaasi ah oo ku saabsan arrintaan, liiska 20-kaan xildhibaan ayaa loo gudbiyey guddoonka golaha shacabka, waxaana suurtagal ah in arrintaan waanwaan laga galo, maadaama ay socdaan dadaalo badan, xildhibaanada qaarna ay sheegeen inay qaldameen oo raali gelin bixinayaan.
Dhanka kale madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday Cabdirashiid Jily oo akhriyey warsaxaafadeedkii xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee taageeray Itoobiya.
Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shiikh aadan Madoobe ayaa loo gudbiyay mooshinka laga keenay 20-ka xildhibaan ee lagu eedeeyay qiyaano qaran.

