Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas.
Qoraal lagu baahiyay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay kawada hadli doonaan xaaladda gobolka,iyo Taageerada Masar ay u hayso Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib khilaafka Soomaaliya iyo Ethopia.
“Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa 18-19 bishaan magaaladda Kampala kaga qeyb galay Shirka Urur Goboleedka IGAD kaasi oo ay ka maqneyd Dowladda Ethopia.
Madaxweynaha ayaa halkaas kusoo bandhigay sida Dowladda federaalka Soomaaliya u diidan tahay heshiiska Ethopia iyo Somaliland ee Badda,wuxuuna sheegay in Kaliyah ay ku qancayaan in Ethopia ka laabato heshiiskaas oo halis ku ah jaritaanka Soomaaliya iyo dagaalka Al-shabaab.
Raisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dalbaday inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, si ay labada hoggaamiye is-fahan uga gaaraan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay heshiiska Itoobiya ay Somaliland la sixiixatay.
Balse Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay dalab ua yimid dawladda Itoobiya oo ahaa inay labada waddan kulmaan oo ay ka wada hadlaan sidii loo damin lahaa xiisada ka dhex aloosan.
Dowladda Itoobiya oo horey uga gaabsatay ka qeyb galka shirkii IGAD ee Kampala dhacay, ayaa wajahaysa cadaadis caalami ah oo kaga imaanaya beesha caalamka, kuwaas oo kasoo horjeestay heshiiska ay la gashay Somaliland.
Dowladda Masar aaya sheegtay in si buuxda u garab taagan tahay Madaxbaanidda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda ee Masar, Sameh Hassan Shoukry ayaa shirkii Ururka jaamacadda carabta kadib sheegay in dawladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay dawladda Soomaaliya, balse wuxuu dhanka kale diginin u jeediyay dawladda Itoobiya, isaga oo sheegay in “In ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto xadgudubka ay ku sameyneyso shuruucda caalimga ah”.
Balse intaas oo kaliya hadalka kuma ekeen. Waxaa kale oo uu raaciyay “In Itoobiya ay noqotay ila ay ka soo bulaasho xasilooni darrada ka jirta gobolka geeska Afrika,wuxuu mar kale ku celiyay taageerido buuxda ee masar ay la garab tagaan xornimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.
Dowladda Masar ayaa Faaido u arakta khilaafka Soomaaliya iyo Ethopia madaama dhankeeda khilaafka sanado soo jiray kala dhaxeeyo Ethopia ay isku haystaan wabiga Nile.
Dhanka kale Wadamada Gobolka ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii loo xalin lahaa khilaafka Dowladaha Soomaaliya iyo Ethopia.
Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa haatan loo magacaabay in Ergeyga Wada-hadalada Soomaaliya iyo Ethopia balse Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in marka hore Ethopia ka laabato heshiiska.

