Bishaar al jacfari:- Dhaqaatiirta aan Xuduuda Laheyn ee Syria ku Sugan Waa Basaasiin u Shaqeeya France

0

Safiirka  Syria u fadhiya Qarama midoobay ayaa sheegay in dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee Syria ku sugan ay yihiin jawaasiis faransiiska  leeyahay oo uu usoo diray dalkooda kadib markii ay 11 qof ku geeriyoodeen duqeymo diyaaradaha ruushka ay ka fuliyen isbitaal ay maamulaan dhaqaatiirta an xuduuda laheyn oo ku yaala waqooyiga Syria .

Bishaar al jacfari ayaa shaaciyey in dhaqaatiirta an xuduuda laheyn ee faransiiska ka socda aysan wax xiriir ah la laheyn dowlada Syria isla markaana aysan ka howl-galin Magaalada dimishiq

Safiirka dalka faransiiska u fadhiya qaramada midoobay ayaa ka jawaabay hadalka kasoo yeeray dhigiida Syria isaga oo tilmaamay in saafiirka Syria uu ka hadaaqay hadal uusan ka fiirsan dadkii lagu laaayey isbitaalkana ay ahaayeen bukaano ay lagu daweenayey isbitaal ay ku tabarucday hey’ada dhaqaatiirtaan xududa laheyn iyo shaqaale u shaqeenayey hay;’adaas waxa uuna xusay in masuuliyada ay qaadanayaan ruushka iyo dowlada Syria ee uu madaxda ka yahay bishaar al asad

Beesha caalamka ayaa si weyn u dhaliishay weeradar ruushka ay ka fulinayaaan Syria.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here