Madaxweyne Gaas oo lagu Cadaadinayo Qaadashada Nidaamka 4.5

0

Dowlada Ethopia ayaa ku Cadaadinaysa Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas aqbalaada Nidaamka 4.5 oo lagu saleeyay doorashada soomaliya ka dhacaysa marka la gaaro bisha August ee sanadkaan 2016-ka.

Madaxweynaha Maamulka puntland  C/wali Maxamed cali Gaas oo Magaalada addis ababa ee xarunta dalka Ethopia kula kulmay wasiirka arrimaha dibada Ethopia Tedros Adhanam ayaa la sheegay in madaxweynaha lagu cadaadinaayo siduu u qaadan lahaa nidaamka 4.5 oo dhawaan dowlada dhexe ee soomaliya iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha Maamulka Goboleedyada ay ku heshiiyeen.

Dr C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland  ayaa dhawaan sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin nidaamka 4.5 oo dhawaan lagu heshiiyay in doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka lagu saleeyo.

Dhanka kale Beeshan caalamka iyo dowladaha daneeya arimaha soomaliya ayaa madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Caali Gaas ku cadaadinaaya in uu qaato nidaamka 4.5.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here