Kenya oo Fureysa Xabsi Lagu Xiraayo dadka lagu Soo eedeeyay Al-shabaab

0

Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay In dowladiisa ay qorsheynayso dhisida xabsi weyn oo lagu xiraayo dadka lagu soo eedeeyo in ay xiriir la leeyihiin xarakada al-shabaab ama ka tirsan al-shabaab.

Mudane Uhuru Kenyatta oo la kulmay saraakiil ka Tirsan ciidamada Kenya ayaa kala hadlay sidii loo furi lahaa xabsi weyn oo lagu xiro dad lagu soo eedeeyo in ay kamid yihiin al-shabaab iyo kuwa dambiyada qaran ka gala dalka Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowlada Kenya ay sidoo kale qorsheenayso in la sameeyo qalabyada loogu talagalay xabsiyada sida dharka ay xirtaan dadka maxaabista,  suuli, iyo waxyaabo kale oo loogu baahan yahay gudaha xabsiga.

”Dowlada Kenya waxa ay qorsheynaysay in ay furto xabsi weyn oo lagu xiro doono dadka lagu soo eedeeyay in ay kamid ah yihiin kooxaha dowlada kasoo horjeeda ayuu yiri Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta.

Dowlada Kenya ayaa wali la daala dhacaysa dagaal ay kula jirto al-shabaab oo kamid ah kooxaha ka dagaalama Koonfurta dalka soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here