Askari dil ka Geystay degmada Afgooye oo Gacanta lagu Soo Dhigay

0

Wararka naga soo gaaraya degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada amaanka Degmada Afgooye ay gacanta kusoo dhigeen askari ka tirsanaa ciidamada booliska oo xalay gudaha degmadaas ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska.

Gudoomiye ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka Degmada Afgooye – Yuusuf Maxamed Moordow,  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgal maanta laga sameeyay degmada afgooye ay ciidamada dowlada soomaliya ugu suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan askariga ka tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya ee dilay sarkaalka booliska ahaa.

Waxa uu sheegay In dhawaan maxkamad lasoo taagi doono askariga si loogu qaado xukun dilka uu u geystay sarkaalka ka tirsanaa ciidamada booliska degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah gobolada dalka soomaliya iyo Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca dilalka loo geysto saraakiisha ciidamada dilalkaas oo ay geystaan isla ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here